Saturday, June 27, 2026
HomeWararDibaddaFaafaahin qarax ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho

Faafaahin qarax ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhaw lagu weeraray maqaayad kutaalla agagaarka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaana qaraxa la sheegay in lala eegtay maqaayad lagu magacaabo Baar Bulsho oo inta badan lagu shaaho ayna fariistaan ciidan iyo dad shacab ah.

Gaadiidka gurmadka deg dega iyo mootooyin dhaawacyo wada ayaa kasoo baxay aaga qaraxa ka dhacay, walina lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan goordhaw dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaana ah goob si weyn ammaankeeda loo adkeeyo, waxa ayna ku dhawdahay xarunta Sayidka gaar ahaan xarunta golaha shacabka oo ay joogaan ciidamo si weyn ammaanka aagaasi suga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe