Taliska Booliiska Degmada Cadaado ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay Ka waday howlgal amniga lagu xaqijinayo gudaha iyo bananka Magaalada Cadaado.
Taliyaha Booliiska Degmada Cadaado Maxamed Cadceed Cismaan, oo aan la hadalnay ayaa iinoo sheegay iney qabteen 24 kii saac ee la soo dhaafay baabuur waweyn oo ay Ka shakiyeen oo waday bir libaax laguna hayo meel ciidamadu ay ku barayaan.
Dhanaka kale Taliska Ciidmada Booliiska Degmada Cadaado ayaa Bulshada Magaalada Cadaado uga mahadceliyay la shaqeynta Ciidmada amniga, iyagona ku booriyay Bulshada iney sii xoojiyaan la shaqeynta Ciidmada Booliiska si looga hortago falalka lidiga ku ah amniga Deegaanka.

