Deegaanka Bali Doogle oo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose Waa Halka Saldhiga Ugu Ween Ay Kuleeyihiin Ciidamada Somaliya Iyo Kuwa Mareykanka Ee Ka Caawiya La Dagaalanka Alshabaab Waxaase Warar Aynu Ka Heleeno Ay  sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya oo ah Garoonka Balidoogle.
Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray saldhigga Balli-doogle.
Al-Shabaab ayaa sheegay in saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykan ee xasuuqa ka geysta koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida Ay Hadalka Udhigeen
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Wali Ka Ma Aysan Hadlin Warka Alshabaab Ka Sooyeeray Ee Ah In Ay weerar maanta oo Jimco ah ay ku Qaadeen saldhiga Ballidoogle.
Saldhigga Balli-doogle ayaa qeybna waxaa lagu tababaraa Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, qeybna waxaa saldhig ku leh Ciidamada Mareykanka, waxaa saldhiggaas ka kaca diyaaradaha qumaatiga iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano.
Sanadkii hore Mareykanka ayaa ballaariyay saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.