Wararkii ugu Danbeeyay Ee aan Kahelayno Magaalada Kismaanyo Ee Caasimada Kumeel gaar ah Ee Maamulka Jubaland ayaa Waxa ay sheegayaan in Deegaan Dhinaca Xeebta Kaga Beegan 40-KM kismaanyo ay Kataagan tahay Arin Naxdin leh iyo Dagaal meeshii ugu Xumeed gaaray.
Dagaalkaan oo ah Mid Salka kuhaya Aanooyin Qabiil ayaa waxa uu gaaray in Lagawraco Caruurta lana dilo waayeelka iyo Dadka Biri mageydada ah.
Sawiro ay heshay Warbaahinta ayaa Muujinaya Dhaawaca loogaystay ilma yar oo Da,doodu Kahoosayso 10-sano Oo Sixun toorey Looladhacay.
Boqolaal shacab ah oo isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato ayaa isaga baxay degaanka. Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in tobaneeyo dad ah oo ay ku jiraan caruur iyo dumar in la dhigay Isbitaalka guud ee Kismaayo, waxaana ku jira kuwa ay xaaladooda aad u liidato.
Maamulka Jubbaland ayaa u muuqda in uu ku guul dareestay joojinta xasuuqa degaanka ka socda, halka dadaalo ay culumada iyo odayaasha sameeyeen aysan natiijo wanaagsan ka soo bixin.