Friday, October 30, 2026
HomeWararDowladda Ukraine oo diiday xabad-joojintii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin

Dowladda Ukraine oo diiday xabad-joojintii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin

Saacado kadib, markii uu Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin ku dhawaaqay xabad-joojnta J KMG ah ayaa waxay Dowladda Ukraine sheegtay inaysan macquul ahayn Arrintaasi.

Mykhailo Podolyak oo ah La-Taliyaha Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inay Xabbad-Joojinta KMG suurtogal noqon karto marka ay Ciiddanka Raashiyaanka ka wada baxaan Xuduudaha ay Ukraine ka qabsadeen.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ayuu ku muujiyey inaysan Ukraine weerarin Xuduudka dal Shisheeye iyo inaysan dilin dad Rayid ah, balse ay keliya burburiyeen kuwii soo dilay.

Waxa uu sii raaciyey inay Ciiddanka Raashiya yihiin kuwii soo duulay ee dilay dadka Rayidka, isla markaana burburiyey magaallooyinka iyo Kaabayaasha Asaasiga u ah Nolosha Bulshada.

Hadalka Dowladda Ukraine waxa uu Dana joogaa dadaalkii Madaxweynaha Raashiya oo galabta ku dhawaaqay XJJ KMG oo uu ugu magac daray Heshiiska XJJ Ciidda Kirismaska (Christmas truce).

Vladimir Putin waxa uu amray XJJ KMG oo muddo 24 saac ah, laga bilaabo 12-ka saac ee saqda Dhexe ee caawa ilaa Habeen dambe (January 6 ilaa January 7-da).

Dhinaca kale, Madaxweyne Putin oo la hadlay dhigiisa dalka Turkiye, Rajab Dayib Erdoğan waxa uu sheegay in Heshiis Nabadeed la gaari doono marka ay Dowladda Ukraine u aqoonsato in ay Xuduudaha Raashiya ka tirsan yihiin Goballada ay Milliteriga Raashiya qabsadeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay Raashiya diyaar u yahay Wada-xaajood ay Ukraine la galaan, balse loo baahan yahay aqoonsato xaqiiqda xuduudka cusub ee labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalka u dhexeeya Milliteriga Raashiya iyo kuwa Ukraine waxa uu bilowday bishii February 24-dii ee sanadkii 2022-ka, xilligaasi oo ay Ciiddanka Raashiyaanka duullaanka ku galeen d

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe