Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay wado qorshayaal ay wax kaga qabaneyso fatahaadaha Wabiyada ay sameeyaan mararka qaar, kuwaasi oo geysta khasaare kala duwan xilliyada ay fatahaan.
Shalay waxaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan booqasho ku tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo u kuurgalay xaalada ay ku nool yihiin dadka ka Barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku Barakaceen, isaga oo ka xog-wareystay sidii dadaallada haatan socda loo xoojin lahaa masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan halkan Beledweyne u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 Kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku sugan yihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada.”
Magaalada Beledweyne ayaa shalay Subax waxaa la gaarsiiyey gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan Magaalada Beledweyne iyo degaannada ku hareereysan.
Xukuumadda hada jirta ayaa waxa ay leedahay Wasaarad ka shaqeysa arrimaha Maareynta iyo Masiibooyinka, balse uma shaqeyso sidii la rabay, dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sababta waxa ay ku sheegeen in ay tahay in aysan heysan Miisaaniyad la mid ah midka la siiyo Wasaaradda Amniga.