Tuesday, September 26, 2023
HomeWararAKHRISO:- QM oo baaq u dirtay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya

AKHRISO:- QM oo baaq u dirtay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Doorashada Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa waxa ay u hambalyeysay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya  Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Doorashada Guddoomiyaha cusub ay muujinayso sida Soomaaliya ay u gaartay hanaanka dimuqraadiyadda.

Keating ayaa ammaaney shaqadii uu soo qabtay gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo soo jeediyey inay wada shaqeyn iyo isfaham yeeshaan Fulinta iyo sharci dejinta.

“Waxaan kula dardaarmayaaGuddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka inuu ka shaqeeyo arrimaha dajinta shuruucda kala duwan ee dalka xilligaan u baahan yahay.” Ayuu yiri Keating.

Ugu dambeyntii Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey Musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalka uu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe