Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya  ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Sidda ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka doodi doona Hindise Sharciyeedka Shirkadaha (company law), kaasoo xiligaan dalka muhiim u ah.
Xildhibaanada ayaa lagu waddaa in Sharciggaan ay ka doodaan maalmaha soo socda,Maadaama uu muhiin u yahay dalka.
Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgalla Shirkaddo badan oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliya iyo kuwa ay leeyihiin dad Ajnabi ah.
Hindise Sharciyeedka Shirkadaha ayaa maanta laga hor aqrin doonaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo kulanka ay ka qeyb galayaan guddoonka Golaha Shacabka.