Thursday, February 13, 2025
HomeWararDibaddaWeerar lagu qaaday Saldhiga Ciidamada ATMIS ku leeyihiin degmada Balcad ee...

Weerar lagu qaaday Saldhiga Ciidamada ATMIS ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar xubno katirsan Koxoda Al-Shabaab ay xalay saqdhii dhexe ku qaadeen saldhig Ciidamada Burundi oo kamid ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Balcad oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad ayaa u sheegay warbaahinta in Al-Shabaab ay weerareen Xerada Ciidamada Burundi ee kutaalla Xaafada Xaawa-Taako gaar ahaan agagaarka Warshadii hore ee Dharka degmada Balcad ee Somali TEX.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Burundi dhankooda ay ka jawaabeen weerarkii uga yimid dhinaca Al-Shabaab, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka, kaas oo la soo weriyay.

Dadka kunool Xaafada Xaawa-taako ee degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegeen inay soo wajahday cabsi xoogan intii uu dagaalka socday wallow muddo kooban uu ahaa, isla markaana saaka xaaladda degmada Balcad ay tahay mid degan.

Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay dhamaadkeedii ayay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen degmada Balcad, iyaga oo muddo kooban la wareegay gacan ku heynta degmadaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe