Thursday, May 28, 2026
HomeWararDowladda Federaalka & DG Jubbaland oo maalintii labaad gurmad bani aadamnimo geynaya...

Dowladda Federaalka & DG Jubbaland oo maalintii labaad gurmad bani aadamnimo geynaya Degmada Baardheere.

Dowladda Federaalka & DG Jubbaland oo kamid ah Dowlad-Goboleedyada hoostaga ayaa maalintii labaad waxa ay gurmad bani aadamnimo u qorsheeyeen in la geeyo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo saameyn taban ay ku reebeen daadadka Roobka & Fatahaadda Webiga Jubba uu ku sameeyay Degmadaas.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo shalay tegay Degmada Baardheere ayaa qiimeyn ku sameeyay xaaladda halkaas ka jirta waxa ay horay usii qaadeen gargaar hordhac ah.

Maanta ayaa Raashin, Dawo & Marada kaneecada laga galo (Sisiyeeri) la gaarsiinayaa Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo sida uu sheegay Wasiirka Gargaarka & maareynta Musiibooyinka DG Jubbaland Axmed Xasan Cumar si loo gacan qabto qoysaska dhibaateysan.

Qorshaha xiga ee DG Jubbaland ay ka damacsan tahay Degmada Baardheere waa in ay dib u dhis ku sameyso goobta biyuhu karkaarada ka jabsadeen si looga hortago fatahaad kale oo saameyn taban ku reeba Dadka iyo Duunyada.

DG Jubbaland oo ay ku adag tahay in mas’uuliyiintooda tagaan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed ee sanadihii u dambeeyay kala geeyay saraakiisha Ciidanka ee jooga Gobolkaas & Dowlad-Goboleedkaas ayaa Dowladda Dhexe u mareysa gurmadka la gaarsiinayo Dadka saameynta taban ku reebtay Fatahaadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe