Saturday, March 22, 2025
HomeWararDowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wadahadlay arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wadahadlay arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Kulan fogaan arag ah oo dhexmaray Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta masiibooyinka XJFS Khadiija Maxamed Diiriye iyo masuuliyiinta UNHCR oo ku aadanaa arrimaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga, Barakacayaasha, Roobka Deyrta iyo Raadadkii ay reebeen fatahadihii dalka ka dhacay.

Madaxda UNHCR ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay hirgelinta sharciga dhowrayo barakacayaasha, waxa ay xuseen in ahmiyad gaar ay u leedahay wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka.

“UNHCR waxaan isla garanay in daryeel dhab ah la siiyo dadka banaanka joogo ee xaalad walba u nugul waqtigan. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa cid walba oo kala qeyb qaadaneyso daryeelka dadka Soomaaliyeed, Weli waxaa muuqdo raadadkii fataahaadda, Roobkii Deyrta ayaa lagu guda jiraa, iyadoo qaar badan oo dadkeena ah ay wajahayaan xaaladdo adag.”

Wasiirka Gargaarka Xil. Khadiija Maxamed Diiriye oo sii hadleysay waxa ay tiri: “Dadka la rabo inay gacan isa siiyaan waa anaga, aan duceysano iskuna tashano, mar walba waxaan aaminsanahay inaan si wanaagsan isku caawin karno, xaaladdii is-garab-istaaga ayaan ku jirnaa.”

Sidoo kale arrimaha hor-tebinta leh wasaaradda horyaallo waxaa ka mid ah sameeynta Istaraatiijiyadda Maareynta Musiibooyinka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe