Saturday, March 22, 2025
HomeWararFaahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb

Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku aadan qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari ay ciidamo milatari ah saarnaayeen oo marayay agagaarka deegaanka Sinna-dhaqo duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Labo askari ayaa ku dhintey halka dhaawac uu soo gaaray 9-kale oo saarnaa gaariga uu qaraxu haleelay.

Askarta dhaawaca soo gaaray ayaa la geeyay Isbitaal ku yaal magaalada Dhuusamareeb si loo daweeyo.

Weerarada miinooyinka loo adeegsado ayaa ku soo kordhaya deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya iyadoo weeraradaasna ay sheegtaan ururka Alshabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe