Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aansatay in dhamaan shirarka, Kulamada iyo Siminaaradii ka dhici jiray Nairobi loo raro Kampala, Kigali, iyo Addis Ababa.
Wasaaraddaha Xukuumadda ayaa lagu wargeliyay inay la socodsiiyaan Hey’addaha caalamiga ee ay xiriirka iyo shaqo wadaaga yihiin.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii dhowaan dowladda Kenya ay Visaha dal ku galka u diiday Wasiiro iyo Xildhibaano shir ku lahaa Nairobi
Isha Warka : Abdiaziz Golfyare