Saturday, March 22, 2025
HomeWararMadaxweynaha Jubaland oo caawa la afuray saraakiisha ciidanka

Madaxweynaha Jubaland oo caawa la afuray saraakiisha ciidanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la afuray caawa Sarakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga ee ku sugan jiida hore iyadoo Madaxweynahu uu caawa ku hoyanayo deegaanka Baarsanguuni si uu ugu dhiiri galiyo Ciidamada howlgalada iyo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay sarakiishu in ay laba jibaaran shaqada ay dalka u hayaan isla markana ay dardar galiyaan howlgalada dib u xoraynta ah si shacabka looga dulqaado dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa salaadii makhrib halkaas kula tukaday Sarakiisha Ciidamada Xooga dalka iyo Jubbaland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe