Saturday, May 30, 2026
HomeWararDowlada Somaliya oo Erisay Wakiilka QM Ee Somaliya Nicholas Haysom

Dowlada Somaliya oo Erisay Wakiilka QM Ee Somaliya Nicholas Haysom

Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay Xoghayaha Guud ee Q.M in Wakiilka Gaarka Ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom in aan Soomaaliya laga rabin  isla markaana uusan ka shaqayn karin.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Janaayo 2019ka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah ee ku salaysan xiriirka cilaaqaadka diblomaasiyadda caalamiga ah, waxay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.

Go’aankani waxa uu salka ku hayaa kadib markii uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe