Home Uncategorized Doorasho laga walwalsan yahay oo ka dhaceysa Jamhuriyadda Afrikada Dhexe

Doorasho laga walwalsan yahay oo ka dhaceysa Jamhuriyadda Afrikada Dhexe

360

Isbaheysiga mucaaridka ku ah dowadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, ayaa sheegay in ay muddo saddex maalin ah joojiyeen dagaalladi ay kula jireen ciidamada dowladda, xilli Axadda berrito ah ay dalkaasi ka dhici doonto doorashada guud.
Kooxaha fallagada ayaa muddo todobaad laga joogo billaabay weeraro, iyaga oo ku hanjabay in ay socod ku gali di doonaan magaalada caasimadda ah ee Bangui, iskudaygaas oo la hakiyay kaddib marki ay dowladda u qeeshatay Ruushka iyo dalka deriska ah ee Rwanda.

Xabad-joojintani oo uu isbaheysiga waddaniyiinta Isbaddal-doonka ee (CPC) Jimcihi ku dhawaaqay, ka hor doorashada madaxtinimada iyo tan baaramaanka ayaa loo arkaa mid tijaabo muhiim ah u ah dalka ay colaaduhu ragaadiyeen eek u yaalla bartamaha Africa.
Doorashada Axadda ayaa la filayaa inuu ku guuleysan doono madaxweyne Faustin Archange Touadera. Waxaase aad looga cabsi qabaa in ay rabshado hareeyaan goobaha codbixinta iyo natiijada doorashada kaddib.