Home Warar Taliska Ciidanka xoogga oo ku dhawaaqay digniin ku socota Ciidamada December 26,...

Taliska Ciidanka xoogga oo ku dhawaaqay digniin ku socota Ciidamada December 26, 2020

110

Taliyaha Ciidamada dhulka ee xoogga dalka Soomaliyeed Janeral Maxamed Tahliil Biixi ayaa ugu baaqay Ciidamada dowladda inaysan dhibaato u geysan dadka Shacabka ah oo ay u adeegayaan.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab uu culeys iyo dhibaatooyin ku hayaan dadka Soomaliyeed, hadii Ciidamada dadka Shacabka ah dhibaateeyaane ay lamid noqonayaan Al-SDhabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaliya ayuu uga digay Taliyaha inay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmaan Shacabka, waxaana uu sheegay in askarigii dhibateeya qof Shacab ah ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Hadalka Taliyaha Ciidamada dhulka ee xoogga dalka Soomaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli sanadihii u dambeeyay Ciidamada dowladda ay dhowr jeer dil u geysteen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.