Home Warar Xiisada dagaal ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo abuurtay walaac hor leh

Xiisada dagaal ee xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo abuurtay walaac hor leh

197

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo faro badan u dirtay magaalada xadka ku taala ee Beled-Xaawo, iyada oo ciidamo ka socda Jubbaland oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Kenya ay ku sugan yihiin magaalada u dhow Kenya ee Mandhera.
Xiisada diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan Kenya iyo Soomaaliya ayaa walaac laga muujinayaa inay gacan ka hadal isku badasho, kadib markii ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya inay xadka ka abaabuleyso jabhad hubeysan.

Senator Maxamed Macalin Maxamuud oo metala Ismaamulka Mandhera ayaa waxa uu sheegay in dadkiisu aysan marnaba u dulqaadan karin xiisada xun ee ka dhalatay xiriirka go’ay ee Kenya iyo Soomaaliya.
“Ma daneyneyno sida Xaaladdu ay u muuqato, dagaal dhex-mara labada dhinac waa mid dhibaato ku ah dadkeena, waxaa halis galaya noloshooda, Waxa aan ognahay Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo u muuqda mid aan wanaagsaneen labadii maalmood ee lasoo dhaafay” ayuu yiri.

Senatarka ayaa sheegay in wel-welka ugu weyn ee heysta dadka uu ku metalo kursiga uu yahay abaabulka socda iyo xiisada labada dal oo kasii dartay, taasi oo ku tilmaamay “mas’uuliyadd daro la sameynayo”.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Boqolaal kamid ah dagaal-yahanada xulufada la ah wasiirka arimaha gudaha Jubbaland, Cabdirashiid Janan ay ku sugan yihiin magaalada Madhera mudo bilo ah