Tuesday, May 26, 2026
HomeWararDiiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Isniin ah diiwaangelinaya musharrixiinta  7-dii kursi ee ugu dambeeysay Kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadooodu tahay Maamulkaasi koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa shalay shaaciyay Jadwalka doorashada 7 Kursi, kuwaas oo Maalinta Berito ah lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, waxaana kuraasta la dooranayo ay kala yihiin.

1: HOP#181 oo ay ku fadhiso Maryan Macalin Isaaq.

2 HOP# 204 oo uu ku fadhiyo Macalin Cali Aadan

3: HOP# 197 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee howlaha Guud & Guryeynta Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey

4: HOP#179 Maxamed Axmed Maxamed ( Garweyne)

5: HOP#172 oo uu ku fadhiyo Cali Cadow Maxamuud, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).

6: HOP# 164 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Isaaq Fanax

7: HOP# 047 oo ay ku fadhiso Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Maalinta berito ah ayaa waxaa la filayaa in Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed ay soo geba-gabeeyaan doorashada guud ahaan kuraasta Golaha Shacabka oo ay maamulayeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe