Tuesday, May 26, 2026
HomeWararBuuq ka taagan garoonka diyaaradaha Muqdisho & mas’uuliyiin xabsiga loo taxaabay

Buuq ka taagan garoonka diyaaradaha Muqdisho & mas’uuliyiin xabsiga loo taxaabay

Waxaa khilaaf uu soo kala dhex galay Wasaarada duulista hawada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hogaanka shirkadaha diyaaradaha Ka howlgala Soomaaliya.

Ciidamada Amniga ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xabsiga dhigay madaxda shiradaha duulimaadyada oo shir uga socday Hotel decale oo Madaarka Muqdisho ku dhex yaalla.

Xubnaha la xiray ayaa ka shirayey sida ay ka yeeli lahaayeen is afgaran waa soo kala dhex galay iyaga iyo Wasaarada duulista hawada Soomaaliya.

Amarka lagu xiray madaxda Shirkadaha duulimaadyada waxaa bixiyey sida la sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.

Qaar ka mid ah madaxda shirkadaha duulimaadyada sameeya ayaa ku dhaleeceeyey Wasiir Duraan inuu xubnaha qaar shirkado diyaaradeed uu uga eexday ayna cabashadaas ujeediyeen balse uu iska indho tiray.

Warqaad ayaa heshay magacyada Shirkadaha duulimaad ee mas’uuliyiintooda la xiray waxaana ay kala ahaayeen:

1:Halla Airlines

2:Premier Airlines

3:Blue sky

4:Daruuro Airlines

5:Xayd Airlines

6: Fly national

Saameyn badan kuma uusan yeelan hanaankii shaqo ee madaarka diyaaradaha Muqdisho buuqaasi dhacay inkastoo hadda la isku dayayo in xal laga gaaro khilaafkaasi.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa maamulkiisa gacanta ku heysa Shirkada FAVORI ee Turkida ah,islamarkaana waxay sheegeen in jawiga uu deggan yahay.

Sanadkii lasoo dhaafay Bishii April ayaa qalalaaso ka dhex dhacay gudaha garoonka oo dhexmaray shaqaalaha madaarka iyo ciidanka NISA ay bur bur gaarsiisay qeybta dadka fadhiistaan diyaaradaha sugaya, iyadoo Amniga wixii markaas ka dambeeyey la adkeeyey garoonka.

Hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in tan maanta dhacday ay isbadel duulimaadyada garoonka ku keento maadaama shirkadaha diyaaradaha qaar ay gadood sameenayaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe