Monday, October 14, 2024
HomeWararFatahaaddo badan oo ku soo rogmaday Magaalada Qardho.

Fatahaaddo badan oo ku soo rogmaday Magaalada Qardho.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi xalay ay kusoo rogmadeen daadad xooggan oo sameyn ku yeeshay dadka kunool Magaalada.

Daadadkaan ayaa ka dhashay roobab dabeylo wata oo saacaddihii lasoo dhaafay ka da’aayay degaanada ka tirsan Puntland iyo Somaliland.

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqdayin gurmad deg deg ah loo sameyn doono dadka ay saameyeen Daadadka gobolka Bari,islamarkaana wafdi qiimeyn ah maanta ay tagayaan Magaalada Qardho.

Hay’addaha Qaramada Midoobey ayaa horay kaga digay Dufaano xoog leh oo kusoo wajahan degaanada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka billowday xeebaha Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe