Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 8aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa Maanta oo Isniin ah  kaqabsoomay Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Magaalada jowhar .
Kulanka waxaa shir Gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Dr Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed, waxaana ku wehlinaya Guddoomiye Kuxigeennada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.
Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Dhageysiga warbixinta Hay’adaha dib u eegista Dastuurka Dowlada Federalka Soomaaliya iyo kadoodista wax kabadalka Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
Masuuliyinta kasocotay Hay’adaha Dowlada Federealka ugu xil saaran Dib u eegista Dastuurka ayaa Baarlamanka Hirshabelle u faah faahiyey marxalada uu maraayo Dib u eegista Dastuurka
Intaas kadib xildhibaanada ayaa guda galay Dooda Wax kabadalka Dastuurka Dowlada Goboleedka Hirshabeelle
Dood Dheer kadib Gudoomiyaha Golaha ayaa Xildhibaanada ku wargeliyey in aragtida xildhibaanada lagu soo dari doono si nuqulka rasmiga Golaha u meel mariyo sidaas ayuu kusoo gaba gaboobay fadhiga 8aad ee Baarlamaanka

