Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa shaaciyay inuu wadahadal kula yeeshay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen iyo wafdigiisa Guriga Gulu State Lodge e Gudaha dalkaas.
Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa sheegay in wada hadaladooda ay diirada ku saareen arimaha nabada iyo amaanka & xaaladaha dagaal e kajira dalka Itoobiya iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa.
Madaxweyne Yoweri Museveni wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay tahay mid ka mid ah wadamada ugu faca weyn ee aan la gumaysan sharaf badana ay ku leedahay qaaradda Afrika.