Home Warar Al-shabaab Oo Ceel-cadde Kusoo Bandhigay Askar Ka Goosatay Jubbaland

Al-shabaab Oo Ceel-cadde Kusoo Bandhigay Askar Ka Goosatay Jubbaland

180

Kooxda Al-shabaab Ayaa Sheegtay In Deeganka Ceel-Cadde Ee Gobolka Gedo Kusoo Dhaweeyey Askar Ka Goosatay Ciidamada Maamulka Jubbaland Iskuna Dhiibay Al-shabaab Sida Ay Sheegeen.

War Ku Qoreen Al-shabaab Baraha Ay Warkooda Ku Faafiyaan Ayey Ku Sheegeen In Ciidamadaas Oo Gaarayey 13 Askari Ay Wateen hubkoodii Ay Ku Dagaallamayeen.

Wararka Qaar Ayaa Tilmaamaya In Askarta qaar Hubkii Ay Wateen Ka Iibsadeen Dagaallamayaasha Al-shabaab Isla-Markaana Ay Isaga Baxeen Gobolka Gedo.

Ururka Al-shabaab Ayaa Dhawr Mar Oo Hore Sidaan Oo Kale deeganada Jubbaland Kusoo Bandhigay Askar Ay Sheegeen In Ka Goosteen Maamulka Jubbaland, Waxa Ayna Arrintaas Imaaneysaa Iyada Oo Jubbaland Ku Dhawaaqday Hawl-Gal Ballaaran Oo Ka Dhan Al-shabaab.

Dhinaca Ma Jiro Wax War Ah Oo Kasoo Baxay Maamulka Jubbaland Oo Ku Aadan Sheegada Al-shabaab Ee Ah In Ay Usoo Galeen Askar Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland.