Xildhibaan Aadan cabdi Faarax Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Waxa Uu eedeyn Kulul U Jeediyey Madaxweynaha Maamulkaasi Hir-shabeelle Mudane Max’ed cabdi Waare.
Xildhibaanku Waxa Uu Sheegay In Madaxweyne Waare Ku Fashilmay Hoggaaminta Maamulka Isagoo Sidoo kale Sheegay In Uu fara-gelin Ku hayo Hawlaha Baarlamanka Maamulkaasi.
Waxa Uu Tusaale Usoo Qaatay In Madaxweyne Waare Garoowe U Waday Guddoomiyaha Baarlamanka Iyo Ku Xigeenadiisa Taas Oo Uu Sharci Darro Ku Tilmaamay Isla-Markaana Uu Sheegay In Dastuurka Hir-shabeelle Uusan qabin In Baarlamanka Oo Furan Aysan Caasimadda Ka Maqnaan Karin Guddoomiyaha Iyo Ku Xigeenadiisa.
Xildhibaan kabaweyne Sidoo Kale Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Wasiiradii Cusbaa Ee Badnaa Xildhibaanada Maamulkaasi Ee Uu Dhawaan Magacaabay Madaxweyne Waare In Uu Ka Dhiganayey Gaashaan Uu kaga Hortago Mooshin Uu Sheegay In Ka Diyaarinayaan Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Maamulkaasi.
Dhinaca kale Xildhibaan Aadan CABDI Faarax Kaba-Weyne Oo hadalkiisa Sii Wata Ayaa Sheegay In Dhawr Mar Ay Madaxweyne Waare Kala hadleen Sidii Xal Loogu Heli Lahaa Dagaal beeledyada Ka Taagan Qaar Ka Mid Ah Deegaanada Maamulka Hir-shabeelle balse Waxa Uu Tilmaamay In Uusan Muhiimsiin Baaqa Xildhibaanada.
Ugu dambeyn Xildhibaanku Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Haddii Uusan Madaxweyne Waare Wax Ka Qaban Dhibaatooyinka Ka Taagan Deeganada maamulka Hir-shabeelle Ay Xildhibaanadu Waajibkooda Gudan Doonaan Maadama Markoodii Hore U Dhaarteen Shacabka Ku Dhaqan Deeganada Maamulka Hir-shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso War-Bixinta Oo Cod Leh:-

