War ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dacwado dhowr ah ka gudbiyay madaxa dhaqaalaha shirkadda tiknoolajiyadda ee Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha Meng Wanzhou,kaasi oo lagu eedeynayo sharci jebin iyo xatooyo kadib markii la xaday shirkadda T mobile ee Mareykanka uu leeyahay.
Mas’uulkan dacwadda lagu soo soogay ee Ms Meng iyo shirkadda Huawei ayaa iska fogeeyeen eedeeymahaasi loo soo jeediyay,dhawaana Washington waxaa ay ku eedeysay ku xad gudubka xayiraadii saarneyd Iiraan,taasi oo sababtay in lagu xiro dalka Canada.
Saraakiil sar-sare oo ka socota dalka Shiinaha ayaa lagu wadaa in toddobaadkan gudihiisa ay tagayaan Washington si ay Mareykanka ugala xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ganacsi ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha,islamarkaana wax la isla meel dhigo.
Dhanka kale war uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross ayaa xusay in aan xiriir ka dhexeynin dacwada shirkadaasi loo hayto, iyo wadahadalka ganacsi ee labada dal.
Mareykanka ayaa dalka Shiinaha ku soo rogay canshuur dhan 250 Bilyan badeecadaha laga keeno dalka Mareykanka,taasi oo keentay in khilaaf uu soo kala dhexgalo labada dal.
Meng Wanzhou ayaa dhawaan lagu xiray dalka Canada kadib markii uu Mareykanka ka codsaday in la xiro Meng, taasi oo xilligaasi lagu soo edeeyay in ay baalmartay sharcigii cuna qabataynta lagu soo rogay Iiran,waxaana taasi ay sababtay in uu xumaado xiriirka Shiinaha,Mareykanka iyo Canada u dhexeeya.

