Canab axmed ciise oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka hirshabeele ayaa ka hadashay maleeshiyaad hubeysan oo gurigooda ku toogtay dad isku qoys ah oo ku noolaa tuulo hostaga degmada Warsheekh ee gobolka shabeelaha dhexe.
waxaa ay sheegtay in dilka arxan darrada ah ee loo geystay Hooyada iyo labada Carruurta ah aysan kaliya ku filneyn cambaareeyn, isla markaana loo baahan yahay insi deg deg ah looga jawaabo oo wax looga qabto.
sidoo kale ciimada Dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamulka Hir-Shabeelle ayay ugu baaqday in tallaabo degd deg ah ay ka qaadaan dadkii ka dambeeyay dilkaasi foosha xun inta aysan dhicin xiisad kale iyo fidno kale oo ka dhalata arrintaas.
Hoos ka dhageyso warbixin kusaabsan…