Tuesday, January 21, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Xiisad U Dhaxeysa Labo Beelood Oo ka Taagan hiiraan

Dhageyso:-Xiisad U Dhaxeysa Labo Beelood Oo ka Taagan hiiraan

Weli deegaano Ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaana Deegaano Hoos taga Degmada Matabaan waxaa Ka Taagan Xiisad Colaadeed Oo U Dhaxeysa Beelo Walaalo Ah Oo halkaasi Wada Dega Kuwaas Oo Muddo Dirirto ka Dhaxeysay.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle Oo La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Waxa Uu Sheegay In Hadda Xaaladdu Ay degan tahay Isla-markaana dagaalkii U Dambeeyey Uu Dhacay Isbuuc Ka Hor Bisha barakeysan Ee ramadaan.

Xildhibaanka Waxa Uu tilmaamay In Dagaalkaasi Uu Ka Dhashay Khasaaro Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac OO Ah Saddex Dhimasho Ah Oo Labada Dhinac Ah Iyo Tiro kale Oo Dhaawac Ah Isagoona Tilmaamay In dagaalkan U Dhaxeeya Beelahaan Walaalaha Ah Uu yahay Mid Aan Faa’ido laheyn.

Dhinaca kale Xildhibaan Nuur Xaashi warsame  waxa Uu baaq U Diray Beelaha Ay Dirirto Ku dhexmareyso Hiiraan waxa uuna Sheegay In dagaalka Sokeeye Aysan Wax Faa’ido Ah kasoo bixin.

Waxa Uu Xusay In Aysan Waxba Soo Kordhineynin In Lagu faano Khasaaro la Gaarsiiyey Qof walaalkaa Ah Oo Aad daris Tihiin waxa uuna ka rajeeyey Beelaha In Ay Qaado doonaan baaqyada nabadeed Ee Loo Soo Jeedinayo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe