Guddoomiyaha Degmada Cadale Ee Gobolka Shabeellada Dhexe Muuse Max’ed Axmed (Kali) Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Ka Warbixiyey Halka Ay Ku Dambeysay Dirir Dhawaan Degmada Ku Dhex-martay Labo Malleeshiyo Beeleed.
Guddoomiyaha Waxa Uu Sheegay In Weli Ay Xiisadii Taagan Tahay Balse Aysan Haatan Xabbadu Dhaceyn.
Guddoomiye Kale Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Wax-garadka, Odayaasha Dhaqanka Iyo Maamulka Degmada Ay Wadaan Dadaallo Nabadeed Oo lagu Baajinayo Dagaalka U Dhaxeeya Beelaha Walaalaha Ah.
Sidoo kale Ciidamada Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Qaybtooda Ku Sugan Shabeellada Dhexe Ayuu Sheegay In Ay Beelaha kala Dhex-Galeen Illaa Iyo Haatana Ay Ku Dhex-Jiraan.
Waxa Uu Xusay In Muddo Labo Sano Ah Dagaalkaan uu Soo Jiitamayey Illaa Iyo Haddana Aanan Heshiis Wax Ku Ool Ah Laga Gaarin Dagaal Beeleedkaan kusoo Noq-Noqday Degmada Cadale Iyo Deegaanada Hoos Taga Ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Cadale Oo Dhameystiran:-

