Thursday, January 16, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Shabeellada Hoose

Dhageyso:- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Shabeellada Hoose

Warar Dheeraad Ah Ayaa Kasoo Baxaya Qarax Miino Oo Xalay Ka Dhacay Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa Ayaa Si Gaar Ah Waxa Uu Uga Dhacay Inta U Dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Halka KM 8 Ee Gobolkaasi Shabeellada Hoose

Qaraxa Ayaa La Sheegay In Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Milatariga Soomaaliya Oo Saarnaa Gaari Hoomey Oo Marayay Halkaasi Waxaana Nuuciisu Ahaa Miinada Dhulka Lagu Aaso

Taliyaha Saldhigga Degmada Wanla-Weyn Max’ed Cabdulle Xasan Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Sheegay In Hal Askari Ku Geeriyooday Qaraxaasi halka Askarta Ee Gaariga La SocotayUu Soo Gaaray Dhaawc Fudud Sida Uu Taliyuhu Ii Sheegay.

Gaariga Qaraxa Lala Eegtay Ayuu Sheegay In Uu Ka Yimid Dhinaca Degmada Af-Gooye Ee Gobolka Shabeellada Hoose Waxa uuna Kusii Jeeday Dhinaca Degmada Wanla-Weyn Ee Isla-Gobolkaas.

Dhinaca kale Dagaallamayaasha Al-shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxan Ayaa Sheegay In Ay Ku Dileen Afar Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidanka Dawladda Ee La Socday Gaariga.

Sidoo kale Al-shabaab Waxa Tilmaameen In Lix Askari Oo Ka Mid Ah Ciidanka Ay Dhaawaceen Sidoo Kale Ay Gubeen Gaarigii Ay La Socdeen Ciidamada.

Dagaallamayaasha Al-shabaab Ayaa Inta Badan Weerarada Dhabba Galka Ah Sidaan Oo Kale Waxa Ay Ka Fuliyaan Deegaano Iyo Degmooyin Ka Tirsan Shabeellada Hoose Iyagoona La Bartilmaameedsada Kolonyo Ay La Socdaan Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Midawga Africa Ee Amisom.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe