Tuesday, January 13, 2026
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Wasaaradda Amniga Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed

DHAGEYSO:- Wasaaradda Amniga Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiirk Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse Ayaa farriin Kulul U Diray Ganacsatada Soomaaliyeed Gaar Ahaana Kuwa Ku Dhaqan Gudaha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho.

Wasiir Ku Xigeenka Waxaa Uu Ka Hadlay Caruurta Yar Ee Mararka Qaar La Shaqaaleysiinayo Isla-Markaana Loo Diro Hawlo Aysan Awoodi Karin In Ay Qabtaan.

Waxa Uu Ka Digay In La Shaqaaleysiiyo Caruurta Da’doodu Ka Yar Tahay 18-Ka Sano Waxa Uuna Ganacsatada Ka Dalbaday In Ay Arrintaasi Ka Feejignaadaan.

C/naasir Saciid Muuse Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Waxa Uu Tilmaamay In Ka Wasaarad Amni Ahaan Ay La Xisaabtami Doonaan Cid Walba Oo Arrintaasi Ku Lug Leh.

Wasiir Xigeenku Waxa Uu Xusay In Ubadka hadda Soo Koraya Ay Yihiin Kuwii Ka Qayb Qaadan Lahaa Horumarka Iyo Dib U Dhiska Dalka Sidaa Daraadeedna Aysan U Dulqaadan Karin Wax Kasta Oo Caruurta Noloshooda Dib Loogu Celinayo.

Ugu Dambeyntii Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Waalidiinta Ka Dalbaday In Mar Walba Ay Ka Warqabaan Caruurtooda Isla-markaana Ay Ka Qayb Qaataan Bar-Baarinta Ubadka.

Hadalkaan Ayuu Wasiir Xigeenka Waxa Uu Ka Sheegay Munaasabadda Looga hadlayey Ilaalinta Xaquuqda Caruurta Soomaaliyeed Taas Oo Shalay Lagu qabtay Gudaha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Ku Xigeenka:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe