Sunday, December 7, 2025
HomeWararAkhriso:- Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyntii Koonfurta Gobolka Mudug

Akhriso:- Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyntii Koonfurta Gobolka Mudug

Taliska Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo Africom ayaa sheegtay in duqeyn ay ka geysteen Gobolka Mudug ay ku dileen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa tilmaamay in labo duqeyn oo ay geysteen 19-kii November 2018 oo shalay ah ay ku dileen 27-katirsanAl-Shabaab.

Duqeyn labaad oo xigtay tan koowaad waxa uu Mareykanka sheegay in ay ku dileen 10 dagaalame, waxa ay isku geynta labada tiro ka dhigan tahay 37-qof.

Taliska Africom ayaa sheegay in aan jirin dhimasho ama dhaawac ka gaartay Dadka shacabka inta ay ku guda jireen howlgalkooda duqeynta.

Mareykanka ayaa tilmaamay in duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya uu amar ugu heysto Dowladda Federaalka, kuna caawinayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waxaa korortay duqeymaha Mareykanka uu ka geysanayo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya tan iyo markii uu Xilka Madaxweynaha Mareykanka la wareegay Donald Trump.

Marka la eego duqeymihii Mareykanka uu ka geystay Soomaaliya markii uu maamulka hayay Brack Obama waxa ay ka dhigan tahay Labo Jibbaan (Labo Laab) duqeymihii amarkiisa lagu fuliyay ee Soomaaliya ka dhacay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe