Wednesday, January 22, 2025
HomeDhageysiDHAGEYSO:- Soomaaliland Oo Loogu Baaqay In Aqoonsi Weydiisato Soomaaliya soup recipes com

DHAGEYSO:- Soomaaliland Oo Loogu Baaqay In Aqoonsi Weydiisato Soomaaliya soup recipes com

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa dib ugu yeertay  Qunsulkii u joogay Somaliland iyada oo arrintaasi aan ilaa hadda si rasmi ah loo sababeyn.

Bereha Tesfay ayaa Isniintii diyaarad rayid ah ka raacay Magaalada Hargeysa, isaga oo ku laabtay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Arrintan ayaa dadka falanqeeya isbeddelka geeska Afrika waxa ay u arkaan in ay billow u tahay diblmaasiyad kala noqoshada Itoobiya ee Somaliland.

Dadka falanqeeya Isbeddelka uu wado Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay u badan tahay in Itoobiya ay xafiiskeedii diblomaasiyadeed ee sida dadban u shaqeynayay kala noqotay Somaliland.

Qodobo ka soo baxay shirkii Magaalada Baxardaar ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mid aha ain Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan midnimada dhuleed iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Siyaasi Max’ud Aaden Xuseen (Ganey) Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Isaga Oo Ku Sugan Muqdisho Ayaa Sheegay In Arrintaan Ay Dhabar Jab Xooggan Ku Tahay Aqoonsi Ay Muddo Raadibneysay Soomaaliland.

Siyaasi Waxa Uu Tilmaamay In Hadda Soomaaliland Ay Ku Qasban Tahay In Ay la Fariisato Madaxda Dawladda Dhexe Ee Dalka Isla-markaana Ay Kala Hadlaan Wax Walba Oo Ay Doonayaan Iyo Waxyaabaha Ay Tabanayaan Intaba.

Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Siyaasiga Oo Dhameystiran:-

https://holistickenko.com/spicy-thai-coconut-soup-paleo/

https://holistickenko.com/spicy-thai-coconut-soup-paleo/

soup recipes com

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe