Warar Dheeraad Ah Ayaa Kasoo Baxaya Duqeyn Diyaaradeed Oo Mar Kale Shalay Gelinkii Dambe Ka Dhacday Deegaano Dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.
Wararku Waxa Ay Sheegayaan In Duqeynta Ay Ka Dhacday Deegaanka Maamiye Oo U Dhaxeeya Caad IyoCamaara Balse Qaar Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Oo Aan La Hadlay Ayaa Ii Sheegay In Duqeynta Ay Ka Maqlayeen Dhinaca Deegaanka Caad Wallow Aysan Rasmiyan Shaacin Goobta Ay Duqeyntu Ka Dhacday.
Goob-Joogahan Ayaa Waxa Uu Sheegay In Halka Duqeyntu ka Dhacday Ay Fariisimo Ku Lahaayeen Dagaallamayaasha Al-shabaab Oo Iyagu Ku Sugan Deegaano Dhawr Ah Oo Ku Yaal Koonfurta Gobolka Mudug.
Ma Jirto Illaa Iyo Hadda Cid Xaqiijin Karta Khasaaraha Ka Dhashay Duqeyntaan Ugu Dambeysay Ee Ka Dhacday Koonfurta Gobolka Mudug Waxaana Adag In La Ogaado Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Duqeyntaasi Maadaama Deegaanka Ay Maamulaan Al-shabaab.
Marka Laga Yimaado Duqeyntaan Ugu Dambeysay Dhinaca Kale Taliska Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo Africom ayaa sheegay in duqeymo Tan Ka Horreeyey ay ku dileen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.
Mareykanka Waxa Uu Sheegay duqeymihii Ay Fuliyeen 19-Kii Bishan Ay Ku Dileen 37-Dagaallame Oo Ka Tirsan Al-shabaab Sida Uu Shaaciyey Taliska Hawl-Galka Mareykanka Ee QaaraddaAfrica.
Marka Laga Yimaado Hadalkaan Kasoo Baxay Mareykanka Oo Ay Ku Sheegayaan In Duqeymahaasi Ay Ku Dileen In Ka Badan 35-Dagaallame Oo ka Tirsan Al-shabaab Dhankooda Ma Jiro Wax war Ah Oo Kasoo Baxay Xooggaga Al-shabaab Oo Kaga Hadlayaan Duqeyntaan Lagula Eegtay Deegaano Dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.