Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) Oo Xildhibaanada Baarlamanka Gal-mudug Garabka Cadaado U Doorteen Madaxweynaha Gal-mudug Ayaa Maanta Waxa Uu Kulan Xubno Ka Tirsan Baarlamanka.
Kulankan Axmed Baasto La Qaatay Xildhibaanada Baarlamanka Gal-mudug Ayaa Intiisa Badan Diiradda Lagu Saarayey Dhinaca Amniga Iyo Xasiloonida Deeganada Gal-mudug.
Madaxweyne Baasto Oo Kulanka Ka Dib Saxaafadda La Hadlay Ayaa Ka Warbixiyey Ujeedada Kulanka Waxa Uuna Dhammaan Shacabka Ku Dhaqan Deeganada gal-mudug Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Nabad-gelyada Deegaanadooda.
Si Gaar Ah Waxa Uu farriin U Diray Dadka Reer Guuraaga Ah Kuwaas Oo Inta Badan Dhex-maraan dagaallo Ku Saleysan Dhinacyada Deegaanka Iyo Daaqsinta Isagoona Ka Dalbaday In Ay Xoojiyaan Nabad Kuwada Noolaanshaha.
inta Badan Deegaanada Maamulka Gal-mudug Ayaa Waxaa Ka Dhaco Dagaal Beeleedyo Ku Saleysan Aanooyin Qabiil Iyo Sidoo Kale Dhinacyada Deegaanka Iyo Daaqsinta Waxaana Ugu Dambeeyey Dagaalkii Dhawaan Ka Dhacay Deegaanka Kaxan-dhaale Ee Gobolka Gal-Gaduud.
Hoos Ka Dhageyso Codka Baasto:-

