Magaalada Cadaado Oo Ah Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-Mudug Waxaa Ka Socda Dhismaha Xarumaha Danta Guud Ee Degmada Kuwaas Oo Shacabka Reer Cadaado Iyo Mas’uuliyiintoodaba Ku Dhisayaan Barnaamijka Isxilqaan.
Balse Maamulka Degmada Cadaado Iyo Guddiga Isxilqaan Ayaa Ardeyda Iyo Bahda Waxbrashada Degmada Ka Dalbaday In Ay Ka Qaybtaan Barnaamijkan Isxilqaan Ee Lagu Dhisayo Xarumaha Danta Guud Oo Aanay Jirin Cid Si Gaar Ah U Leh.
Ugu Horreyn Guddoomiyaha Dhalin-yarada Dawlad Goboleedka Gal-Mudug Ahna Guddoomiyaha Guddiga Isxilqaan Ee Gacanta Ku Haya Dhismayaasha Xarumaha Danta Guud Ee Cadaado Caruuse Macalin Max’ed Ayaa Ka Warbixiyey Halka Haatan Ay Marayaan Dhismaha Xarumaha Danta Guud.
C/llaahi Cabdiraxmaan Xuseen Tootoole Guddoomiyaha Degmada Cadaado Ayaa Dhankiisa Farriin U Diray Ardeyda Iyo Bahda Waxbrashada Degmada Cadaado Waxa Uuna Ka Codsaday In Ay Kaalin Muhim Ka Qaataan Barnaamijkan Isxilqaan Oo Haatan Dar-Dar Uga Socda Degmada.
Waxa Uu Tilmaamay In Guddiga Isxilqaan Ay Ardey Kasta Oo Wax Ka Barta Cadaado Usoo Qoondeeyeen In Laga Qaado Lacag Gaareysa $2 Qofkii Ka Badan Bixinayana Ay Soo Dhaweynayaan.
Waalidiinta Ardeyda Ayuu Guddoomiye Tootoole Ka Dalbaday In Lacagtaas Ay Bixiyaan Maadaama Waxa Lagu Dhisayo Ay Yihiin Xarumo Dan Guud Ah Oo Ay Siman Yihiin Dhammaan Bulshada Degmada Waxa Uuna Intaa Ku Daray In Hadda Cadaado Sameyneyso Horumarro Dhinacyo Badan.
Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Waxbrashada Cadaado Ustaad Dalmar Cabdullaahi Jamac Ayaa Dhankiisa Xusay In Diyaar U Yihiin In Ay Kaalintooda Ka Qaataan Barnaamijka Isxilqaan Oo Lagu Dhisayo Xarumaha Danta Guud Waxa Uuna Tilmaamay In Mar Hore Looga Baahna Bahda Waxbrashada Kaalintooda Ka Qaataan.
Magaalada Cadaado Oo Ah Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-Mudug Ayaa Muddooyinkii Ugu Dambeeyey Waxa Ay Sameyneysay Horumaro Dhincyo Badan Waxa Uuna Barnaamijkan Isxilqaan Ee lagu Dhisayo xarumaha Danta Guud Ka Mid Yahay Tallaabo Kale Oo Mamulka Iyo Shacabka Reer Cadaado Horay U Qaadeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Oo Dhameystiran:-