Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay inay ku mashquulsan yihiin u diyaar garowga xajka oo ku aadan Bisha socota ee Agoosto,waxaana Dowladda Federaalka uu ugu baaqay inay kusoo wareejiyaan qoondada tirada xujeyda Puntland kaga soo aaday tirada Guud ee Soomaaliya ka helayaan si ay ugu diyaar garoobaan qorshooyinka daabulida xujeyda.
Soomaaliya ayaa Saandkaan loo ogolaaday inay aadan xajka 11,500 oo xujey ah,waxaana Wasiirka Cadaalada Puntland Isaga oo Warbaahinta la hadlayay uu sheegay in Puntland ay iyada daabuli doonto qoondada lasiiyo,isla markaana diyaarado khaas ah aysan ogolaan doonin.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu ka dalbaday in si deg deg ah ay ugu soo wareejiyaan qoondada,waxaana sidoo kale Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ugu baaqay in ay koontorool ku sameyso dhaqaalaha faraha badan ay Shirkadaha Diyaaradaha qaataan  taas oo dad badan aysan awoodin inay bixiyaan.
Shirka jaraa’id ee Wasiirka oo aad u dheeraa ayuu sidoo kale ku sheegay in Shirkadaha diyaardaha qaarkood ay diideen qiimaha lacagta ay goysay Wasarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,isla markaana Wasaaradu wax jawaab ah aaney ka bixin.
Tan iyo burburkii dalka waxaa arrimaha xajka maamulayaya shirkado madaxbanaan,kuwaas oo ka sameynayay lacag adag,isla markaana la macaamilayay dowladda Sacuudiga Hay’adaha u qaabilsan dhinaca xajka,waxaana taasi ay keentay in xajka aadi karayeen oo kaliya cidii awooda si ka duwan wadamada kale ee islaamka oo sanadkii ay kusoo xajiyaan qiimo aad u yar.