Home Dhageysi Dhageyso:-Maamulka Balan-bale Oo Ka Deyriyey Xaaladda Ay Ku Noolyihiin Barakacyaasha Ku Dhaqan...

Dhageyso:-Maamulka Balan-bale Oo Ka Deyriyey Xaaladda Ay Ku Noolyihiin Barakacyaasha Ku Dhaqan Degmada balan-bale

413

Guddoomiyaha Degmada Balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Jaamac xeyle Maxamed Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Waxa Uu Ka warbixiyey Xaaladda Ay Ku Nool Yihiin dadka Danyarta Ah Eek u Dhaqan Degmadaasi.

Guddoomiyaha Ayaa Waxa Uu Aad Uga Deyriyey Xaaladda Ay Dadkaasi Ku Nool Yihiin Waxa Uuna Tilmaamay In Aysan Hadda Jirin Cid gacanta Ku Heysa Dadka Danyarta Ah Ee Ku Nool Balan-bale Isla-markaana Aanay Jirin Wax Gar-gaar Ah Oo Kaga Yimid Hay’adaha Samafalka.

Waxa Uu Xusay In dadkaasi Ay La Nool Yihiin Shacabkooda Reer Balan-bale noloshooduna Ay tahay Mid Aan qurux badneyn isagoo Intaa Ku Daray In Atysan Jirin Cid usoo Gurmatay Tan Iyo Ay dhalatay Bisha ramadaan.

Guddoomiye Xeyle ayaa Sidoo kale Waxa Uu hoosta Ka Xariiqay In Aysan Helin Karin Wax ay Noloshooda Ku Maareeyaan Balse Taa Badalkeed Ay la Afuraan Xaafadaha Ku Dhaqan Degmadaasi Balan-bale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Balan-bale ayaa Waxa Uu Sheegay In Dhawr Maroo hore Ay Baaq U Direen Hay’adaha Samafalka Iyo Maamulka Gal-mudug Balse Aanay Jirin Cid Ka Jawaabta Cabashadooda.

Waxa Uu Sheegay In Ka Maamul Ahaan awoodooda Ay tahay In Bulshada wac-geliyaan dadka Deegaanka Ku Nool Si Ay U caawiyaan Walaalahooda Aan waxba Heysanin.

Ugu Dambeyntii wax Uu Baaq U Diray Cid Walba Oo Wax Heysta In Ay gurmad Deg-deg Ah lasoo gaaraan dadka Danyarta Ah Ee Ku Dhaqan Degmada Balan-bale Kuwaas haatan U Baahan gar-gaar walaaltinimo.

Degmada balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka gal-gaduud Waxaa Ku Sugan Dad badan Oo danyar Ah Kuwaas Oo dhammaantood Xoolohoodii Ku Waayey Abaartii Sima ee Ku dhufay Guud Ahaaba Gayiga Ay Soomaalidu tagto haatana barakac Ku Ah Degmada Balan-bale.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Balan-bale Jaamac Xeyle Maxamed:-