Monday, June 16, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- M/Ku Xigeenka Puntland Oo Buuhoodle Lagu Soo Dhaweeyey

Dhageyso:- M/Ku Xigeenka Puntland Oo Buuhoodle Lagu Soo Dhaweeyey

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiim Xaajim Cumar C/laahi camey Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Ayaa Maanta Waxa Ay Gaareen Degmada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Wefdiga Madaxweynaha Waxaa Degmada Kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Iyo Ururada Bulshada Qaybahooda kala Duwan.

Ugu Horreyntii Munasaabadda Soo Dhaweynta Waxaa Ka hadlay Qaar Ka Mid Ah Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Buuhoodle waxa ayna Sheegeen In Ay Aad Ugu Faraxsan Yihiin Wefdigaan Uu Hor kacayo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Eng. Camey Ee Maanta Gaaray Magaaladaasi buuhoodle.

Intaasi Ka Dib Waxaa Isna Madasha Ka hadlay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar C/laahi Eng Camey waxa Uuna Ka Warbixiyey Waxyaabaha Uu Ku Qotomo Safarka Uu Maanta Ku Gaaray Magaalada buuhoodle Ee xarunta Gobolka Togdheer isagoona Ujeedada Safarkiisa Ku Sheegay In Ay tahay U Kuur-galka Xaaladda Guud Ee Shacabka Reer Buuhoodle.

Safarkaan Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Uu maanta Ku Tagay Magaalada Buuhoodle ayaa Waxa Uu imaanayaa Xilli Qayboka Mid Ah Gobolka Sool gaar ahaana Aagga Deegaanka Tukaraq Ay ka taagan Tahay Xiisad Colaadeed Oo U Dhaxeysa Maamullada Soomaaliland Iyo Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Eng. Camey:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe