Tuesday, March 18, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Maamulka Bajeela Oo Eedeyn U Jeediyey Wasaaradda Amniga Gal-Mudug

Dhageyso:- Maamulka Bajeela Oo Eedeyn U Jeediyey Wasaaradda Amniga Gal-Mudug

Maxamed Shuuke Abshir Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela Ee Gobolka Mudug Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Isla-markaana Ka Warbixinayey Xaaladda Guud Ee Deegaanka Ayaa Ka Deyriyey Dhinacyada Caafimaadka Iyo Amniga Ee Bajeela.

Guddoomiyaha Waxa Uu Xusay In Deegaanka Uusan Laheyn Xarun Caafimaad Oo Weyn Marka Laga Reebo MCH-ka Hooyada Iyo Dhallaanka.

Waxa Uu Tilmaamay In Guddoomiyaha In Xarun Caafimaad Ugu Sokeyso Degmada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug halkaas Oo Loola Cararo Dadka Ay Soo Ritaan Cuduradda Ee Ku Dhaqan Gudaha Deegaanka Bajeela Iyo Deeganada Hoos Taga Intaba.

Sababta Xarun Caafimaad Oo Weyn Looga Hir-Gelin Waayey Bajeela Ayuu Ku Sheegay In Ay Tahay Sababo Dhawr Oo Jira Kuwaas Oo Ugu Horreyso Daruufo Dhinaca Dhaqaalaha Ah Balse Waxa Uu Xusay In Hadda Ay Socdaan Isku Tashiyo Bulshada Deegaanka Ay Ku Dooneyso In Ay Ku Dhisto Xarun Caafimaad Oo Uu Deegaanku Leeyahay.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Oo Ka Hadlay Amniga Deegaanka Ayaa Sheegay In Uu Aad U Wanaagsan Yahay Amniga Deegaanka Balse Uusan Laheyn Saldhig Boolis Oo Ka Hawl-gala Deegaanka Bajeela.

Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay Gal-mudug Intii Ay Jirtay In Aysan Marnaba Saldhig Boolis Ka Hir-gelin Deegaanka Wallow Uu Sheegay In Ay Dhawr Mar Kala Hadleen Wasaaradda Amniga Maamulka Gal-mudug.

Waa Markii Ugu Horreysay Oo Maamulka Deegaanka Bajeela Oo Ku Hadlo Amniga Deegaanka Waxa Ayna Tani Noqoneysa Eeddii Ugu Horreysay Ee Gal-mudug Lagu Eedeyo In Aysan Xil Iska Saarin Sugidda Amniga Guud Ee Deegaanka Bajeela Ee Gobolka Mudug…..

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe