Friday, April 17, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Guddoomiye Yariisow Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Maqaamka Muqdisho

Dhageyso:- Guddoomiye Yariisow Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Maqaamka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arrinta maqaamka Magalada Muqdisho oo dad badan mudo isweeydiinayeen.

Eng Yariisow oo la hadlayay Shacabka ku nool degmada Yaaqshiid oo uu ka qabsoomay Shirkii Todobaadalaha ee Maamulka ayaa sheegay in Sanadkaan uu yahay kii la raadin lahaa Maqaamka Caasimadda.

“Waa Sanadkii wax qabadka,Sanadkii u diyaar garoowga Doorashooyinka,dhameystirka Dastuurka iyo Sanadkii Maqaamka Muqdisho  iyo Sidii dadka Muqdisho aayahooda uga tashan lahaayeen,isla markaana ku heli Lahaayeen sida Gobolada kale Matalaad Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Shacabka Muqdisho oo midooba ayuu sheegay inay wax walba ku qabsan karaan hormarna ay gaaraan.

Waa marki ugu horeysay ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ka hadlay arrinta la xiriirta Maqaamka Muqdisho oo Guddoomiyeyaal badan oo Gobolkan soo maray aysan ku guuleysan inay keenaan Maqaamka Caasimadda Waxa Uuna Guddoomiye Yariisow Hadalkaan Ka Sheegay shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay Degmada Yaaqshiid.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe