Thursday, January 16, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Warbixin 26 Juun Iyo Qaabka Ay Xoriyada U Qaateen Gobolada Waqooyi Ee...

Dhageyso:-Warbixin 26 Juun Iyo Qaabka Ay Xoriyada U Qaateen Gobolada Waqooyi Ee Somaliya

Shucuubta Dowladaha Adduunka waxey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga tilmaaman maalmaha kale sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee Taariikha soo jireenka ah leh oo u leh xusuus iyo Taariikh u gooni ah oo ay ku weyneeyaan islamarkaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo Xaflado looga sheekaynayo Qiimaha iyo Qadarinta ay u leedahay Ummadaasi.

 Hadaba Somaliya Waxaa Ay Leedahay Taariikho La Xuso Kuwaasi oo Micno Weyn Ugu Fadhiya Umada Somaliyeed Waxaan Ka Mid Ah Maalmaha La Isku Yiraahdo Todobaadkii Xoriyada Ee Ka La Ah 26 Juun Iyo 1 Julay oo Ah Maalmo Ku Weyn Umada Somaliya Hadii Aan Kala Qaadno Maalmahaas Kuna Hor Marno 26 Juun oo Maanta Ah Waa Maalin Kuween Umada somaliyeed Waxaan 26 Bishii Juun 1960 Ay Aheed Maalintii Ay Xoriayada Qaateen Gobollada Waqooyi Ee Somaliya Ee Hada Loogu Yeero Somaliland oo Xoriyada Kaqaatay Dowlada Ingariiska oo Gumaysanaysay.

Waxaa Ay Sidoo Kale Gobladaasi Noqdeen Halkii Uhoraysay Ee Laga Taago Calan Somali Isla 26 Bishii Juun 1960.

Waxaase Dalka Laga Xusayaa 58 Sano Kadib Maalmaha Xoriyada oo Lixdamaadkii Waxii Jiray Dalka Wax Kaduwan Ay Kajiraan Xilgaan Xornimadaan Iyo Damaashaadkaan Aan Kunaalowneeno Waa Mid Ay Ka Danbeeyeen Dhalin Yaradii Somaliyeed Ee SYL Kuwaas oo Dalka Gobonimo Udirir Dheer Ka Dib Xoriyadaan NaSoogaarsii

In Kastoo Wadamada Qaarada AFRICA Badan Kood Ay Ahaayeen Ku Lagu Meysanayo Hadana Waxaan Jecelnahay In Adib Idii Xusuusino Qaabka Wadamada Yurub Ay Qaarada U Gumaysanayeen Iyo Sida Ay Ugu Heshiiyeen.

 Kulankii Magaalada Barliin ee Dalka Jarmalka Sanadkii 1884 ay ku Yeesheen Dowladihii Reer Yurub oo uu ugu Tun weynaa Ingiriiska ayaa ku Heshiiyay in Qaarada Afrika oo Shucuubti Markaa Daganeed Siyaasada iyo Cilmiguba ay ku Yaraayeen in ay Qeebsadaan qobadii ay ku heshiisyeen reer galbeedka Waxaa Ugu Weynaa.

In Dowlada Reer Yurub mid kasta inuu isagu shucuubta Dhulka uu qabsaday ku nool Heshiis La Galo Taas oo Ugu Muhiimsananeed in cudud Milatari lagu Maquuniyo Dowladaha kalana Aanay soo fara galin Meeshii Dal Ree Yurub ah Qabsaday In Aan Loogu iman Wixii Aan ka aheyn Xidhiid Ganacsi oo Xadidan Dowladaana Looga Amar Qaadanayo.

Hase yeeshee Soomaaliya oo dhul baaxad weyn lahayd ayaa waxaa kala qeyb saday wadamadda kala ah Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, waxeyna kala jar-jareen dhulweynihii Soomaaliweyn.

 Engiriisku wuxuu qabsaday Gobalada Waqooyi Sanadkii 1884 inkastoo ay jireen sahamo badan oo waqtigaa ka horeeyay oo soo tixnaaa ilaa 1836 waqtigaas oo ahaa markii uu Engiriisku qabsaday xeebaha Cadmeed oo ku began gobalada waqooyi isagoo daneynayay Muhiimada ay u laheyd ciidamadiisii ku sugnaa dhamaan khaliijal cadam iyo gobalka Bariga dhexe oo waqooyga Afrikana Suudan iyo Masar kaga Jireen .

Meelihii ugu horeeyay ee uu Markaa ka soo dagay oo ahaa Magaalada qadiimiga ah ee Seylac iyo berbera labada wuxuu la galay odayaashii iyo aqoonyahankii markaas hogaaminayay heshiis taasoo uu leeyahay

“waxaan ka shaqeynayaa danahiina waxaan idinka wakiil noqonayaa Dunida oo aan idin fududeynayaa wixii aad u baahataan”!

Ciidamada Engiriiska ee Dagaalkii Labaad ee Dunida uu ku soo galiyay Bariga Afrika iyo Bariga dhexe oo badankood ku sugnaa Cadan, Masar iyo Guud ahaan inta maanta loo yaqaan Khaliijal carab ayuu ugu daneynayay gabaadka heshiiskan ee uu yiri waxaan yeelanaynaa

“xiriir ganacsi, mid ilaalin oo dhinaca amaanka ah si aanay Dowladaha kale dhulkiina idinka boobin”

Taasoo markaa u hirgashay inkastoo qaarkood ahaaa heshiisyo adadag sida kii Seylac oo kale oo odayaashi markay ka heshiinayeen maqaar kaga saxiixdeen Heshiiskiisa .oo ilaa 6-qodob ka koobnaa Waxaan Ka Mid Ahaa.

In dhulka Soomaaliyeed uu hoos yimaado Dowladii Engiriiska ee Markaa jirtay iyo inuu ciidamadiisu dajin karo xeebaha Seylac ilaa saaxil.

In aanu dhex galin oo aanu faragalin ku sameynin arimaha hoose ee Dadka Soomaaliyeed.
Inuu odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee Dhulkaas jooga uu bishii wax Un Mushaar Ah Lasiiyo
Inuu ganacsiga Soomaalida ahaado mid caalamka u furan isla markaana aanay Dowlad kale cagaha Soo dhigin waqtigii ay xuriyad u baahdaana gobanimadooda la siiyo.

Qoraal Iyo Sheekooyin Larikoodhin Gareeyay Waqtagaasi Waxaa Ay Muujinayaa Qaabka Ay Doonayeen In Xormo Ku Gaarsiiyan Dalka  Ururadii Iyio Xisbiyadii Jiray Waqtigaasi Kuwaasi oo dadaal Dheer Galiyay Gaarsiinta Dalka Xoriyad Lagu Naaloodo

Waxaana Dhilinyaradii Ustaagay Halgankii Xornima Gaarsiinta Dalka Geesiyaashii Hor Boodayay Ay Ahaa Yeen Kuwo Ku Sifiibay Daacadnimo Iyo Ka Go,naashaha Xornima Gaarsiinta Dalka Ayadoona Ay Uriyaaqeen Bulshada Somaliyeed.

Dhalinyaradii SYL oo Ahaa Ku Wii Hormuudka U Ahaa Gaarsiinta Xoyada Dalka  Ayaa Waxaa Ay Gaarayeen 13 Dhalinyara Somaliyeed Ah Kuwaasi oo Aas Aasmay 15 May 1943 Waxaan U Jeedadoodu Aheed Xoriyad Gaarsiinta Dalka.

Cabdulaahi Geedi Raage Waxaa uu Ladhashay Halgamaagii somalyeed Cismaan Geedi Raage Waxaa uu  Sharaxaad Kabixinayaa Sawirada 13 Dhinyarada SYL oo Sawiradoodu Ugu Dhaganaayeen Hoogeesa.

WQ Saadaq Laki 

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Saadaq Laki  Ayaa Akhrinaya

 

 

 

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe