Tuesday, October 15, 2024
HomeDhageysiDhageyso:-Gudomiye Mursal oo Dalbaday In Doorashada Koofur Galbed Dib Loodhigo

Dhageyso:-Gudomiye Mursal oo Dalbaday In Doorashada Koofur Galbed Dib Loodhigo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan shir jaraa’id  oo uu ku qabtay hoteelka uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho Ayaa Guddiga doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaga dalbaday in ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Waxa uu gudoomiye Mursal  dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in sifo aan sharci aheyn ay u xiritay  Rooboow oo uu sheegay in uu yahay Musharax buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ee musharaxnimada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliyaayaa u muuqda in uu dadaal ugu jiro sidii Mukhtaar Rooboow xuriyadiisa uu dib ugu heli lahaa, balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Rooboow uu weli aaminsanyahay fikirka waxa ay ku tilmaamtay xagjirnimada.

Sidaan oo kale kol sii horeysay ayuu gudoomiye Mursal sheegay in ay dowladda Soomaaliya ku qaldeyn soo xiritaankii Rooboow oo xiisad badani ay ka dhalatay, balse iminka waxa uu si cad kaga dalbanayaa in guddiga doorashooyinka maamulkaasi in ay dib u dhigaan doorashada ilaamaa jawi xasiloon laga helaayo oo lagau qabto doorashada.

Shirka Jaraa,id Ee Mursal

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe