Tuesday, October 15, 2024
HomeWararAMISOM oo war kasoo saartay xarigii Muqtaar Rooboow abu Mansooor

AMISOM oo war kasoo saartay xarigii Muqtaar Rooboow abu Mansooor

 

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska  ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Koonfur  Galbeed Soomaaliya.

Waxaana walaac xoogan loogu muuiiyay xiisada ka dhalatay soo xiritaanka Muklhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ay dowladda dhexe ee Saoomaaliya ay sheegtay in iyadu ay soo xirtay.

Waxaana uu u qornaa warka kasoo baxay xafiiska  ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Fransiisco Madaire sida tan.

“Waxaan il gaar ah ku haynay xiisada siyaasadeed ee ka taagan KGS   iyo soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Waxaan AMISOM kula dardaarmaynaa in aynan ka qeyb noqon xiisadaasi siyaasadeed,  waxaana rajaynayanaa in xiisadaasi ugu dambeyn la xaliyo.

AMISOM, waxa ay diyaar u tahay in ay xushmeyso jiritaanka midnimada Soomaaliya, waana waajib in dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed aynan qeyb ka ahaan waana ku dadaali doonaa in aan ciidamadeena xadeyno

Waxaan ka xunahay dadka ku dhintay xiisada ka taagan baydhabo waxana rajaynaynaa in dad kale aynan kusii dhiman” ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay warka kasoo baxay xafiiska  ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe