Home Dhageysi Dhageyso:- Guddiga Difaaca Baarlamanka Puntland Oo Ka hadlay Xiisadda Gobolka Sool

Dhageyso:- Guddiga Difaaca Baarlamanka Puntland Oo Ka hadlay Xiisadda Gobolka Sool

351

Baarlanka Maamulka Puntland ayaa ka hadlay xaalada gobolka Sool iyo degmada Laascaano  oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen Qalalaaso siyaasadeed.

Gudoomiyaha guddiga Difaaca ee baarlamaanka Puntland Mudane XIldhibaan Saadiq Abshir Garaad  oo kamid ah xildhibaanada Deegaan Ahaan laga soo doorto gobolka Sool ayaa arintaasi ku tilmaamay nasiib daro weyn in shacabka la Dhibaateeyo sida uu sheegay.

Xildhibaanku Waxa Uu Weerar Afka Ah Ku Qaaday Maamulka Soomaaliland Isagoo Sheegay In Yihiin Goni U Goosad Kasoo Horjeeda Midnimada Ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu Xildhibaanku ugu baaqay Shacabka gobolka Sool inay gacan siiyaan oo taageeraan Ciidamada Difaaca Puntland kuwasoo uu sheegay inay xiligan diyaar u yihiin sidii shacabka ay difaaci lahayd sida uu sheegay xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Abshir Garaad:-