Hay,ada xuquuqul insaanka Soomaaliland ayaa war kasoo saartay xariga loo gaystay 57 Qof oo shacab ah kuwaasoo isugu jira dhalinyaro Odayaal iyo Haween oo ciidamada Soomaaliland ay ku xireen xabsigga magaalada Laascaano kadib dibadbax ay qaban qaabiyeen.
Masuuliyiinta hay,adaha ayaa madaxda Soomaaliland ugu baaqay inay sii dayaan Shacabkaas iyo labo wariye oo lagu xiray magaalada Laascaano waxaana ay sheegtay hay,adu in Dastuurka Soomaaliland ay kasoo horjeedo xariga Dadkaasi iyo wariyaasha.
Hay,ada ayaa sidoo kale waxay sheegtay in shacabka uu damaanad qaadayo Dastuurka Soomaaliland kaasoo u ogolaanaya inuu qofku Xoriyada hadali karo.
Madaxda dawlada Soomaaliland wali kama aysan hadlin xariga loo gaystay dadkan shacabka ah iyo wariyaasha lagu xiray magaalada Laascaano markala laga yimaado hadalka Hay,ada Xuquuqul insaanka ee Soomaaliland.