Kulanka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo Ee xarunta Gobolka Bay Ahna Caasimadda KMG Ah Ee Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa Shir Guddoominayey Ku Simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Wasiirka Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi.
Kulanka Ayaa Waxa looga Hadlay arrimo badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Guud Ahaanba Arrimaha Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya fatahaadaha Saameeyey qaar ka Mid ah deeganada koonfur Galbeed soomaaliya Iyo Shirkii Amniga Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Xasan Eelaay Oo Golaha Wasiirada Warbixin Ka siinayey amniga Koonfur Galbeed aya Waxa Uu sheegay Guulo Muhim Laga gaaray Dagaal shalay Ciidamada Koonfur galbeed Oo garab ka Helaya Kuwa Xoogga dalka Iyo Amisom Oo Dhinac ah Iyo Al-shabaab Ku dhex-maray Deegaan Hoos Taga Degmada Buur-hakaba Ee Gobolka bay.
Sidoo kale Waxa Uu Sheegay In Ay Jirto Dhibaato lagu hayo Shacabka Iskaga kala Goosha wadada xariirisa baydhabo Iyo Magaalada caasimadda Ah Ee muqdisho.
Kulanka Marka Uu Soo idlaaday waxaa war-baahinta La’ hadlay wasiirka War-faafinta Koonfur Galbeed Somaaliya Xasan cabdi maxamed Waxa Uuna Ka warbixiyey Waxyaabihii kasoo baxay Kulankii Golaha wasiirada Koonfur galbeed Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka War-faafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya:-