Sunday, January 19, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Guddoomiye Mursal Oo Kormeeray Xafiisyo ay yeelanayaan Guddiyadda Baarlamaanka.

SAWIRRO:- Guddoomiye Mursal Oo Kormeeray Xafiisyo ay yeelanayaan Guddiyadda Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay xafiisyo cusub oo ay yeelanayaan Guddiyada ugu shaqada badan Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku tagay xafiisyada cusub ayaa waxay tahay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Guddiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo in Guddi kasta uu helo xafiis u gaar ah oo ay shaqooyinka ku gutaan si ay ugu adeegaan Shacabkooda.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa dalbaday in muddo Todobaad ah lagu soo gaba gabeeyo dhismaha iyo qalabeynta Xafiisyadaasi.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waqti badan gelinaya sidii ay ugu adeegi lahaayeen Shacabka ay Wakiilka ka yihiin iyo iney dar dar geliyaan howlaha faraha badan ee horyaala Baarlamaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe